Salaadiinta Digil oo Digniin u diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mirifle

8
36

difGolaha Salaadiinta beelaha Digil oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay digniin u direen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta beelaha Mirifle oo la sheegay inay abaabul ugu jiraan sidii ay u carqadayn lahaa shirka Dhameystirka maamul goboleedka KoonfurGalbeed ee Lixda ah taa bedelkeedana ay danaynayaan inay dhisaan maamul goboleed ka kooban Sedex gobol.

Shirkan oo ku saabsanaa u diyaar garawga iyo ka qayb galka shirka Dhameystirka maamul goboleedka KoonfurGalbeed ee Baydhabo ka socda ayaa waxa ay Salaadiinta beelaha Digil isla meel dhigeen fkirkooda ku aadan Dhameystirka maamul goboleedka KoonfurGalbeed kaasi ay isla garteen in wax aanan ahayn lix gobol aan lagu dhisi karin shirka hadii ay taasi dhacdana ay shirka ka bixi doonaan.

Hadalka Salaadiinta beelaha Digil ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in siyaasiyiin kasoo jeeda beeleha reer Mirifle ay abaabul adag ugu jiraan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan Sedex gobol.

 

 

Daafeet.Com

8 COMMENTS

  1. jab walibo ama balan ka bah 1 waxaa uu ka yimadaa mirifle wallalayaal danta guud ala eego lacag aad qaadadtay wax kuu tari meyso digil gu aan ayuu leeyahay lama gadan karo mirifle warhooseedka aad wadaan joojira wmidkiina 3 gobol lacag ku soo qaatay waa arkaysaan ka saara putlanda ayaa arkeysan inta aay meel marsadeen in ahmed madoobe loo hogaansado bay iyo bakol iyo shabellaha hoose loo dhiso ayagana maamul sidaas miyaan qaadan karnaa in faroole naga goosto 3 anaga 3 uu noo dhiso ninkaan la soo dirtay faroole iyo asga isku xizbi ayeey yihiin ee mirifloow indhihiina fura

  2. Ninkaan shariif sakiin wuxui balaaya ku waa digil iyo mirifle maantana xidigihio la siiyey halaga qaado ma istaahilo wiilku wax ku cuno buu ku xaraa ee iska dhacsha duflaha dhiig digil iyo mirifle kuma jiro ninkaan waa muk shabeel iska fiirsha noocyadiisa camal wey ka buxaan digil iyo mirifle war hadaad dhibkiina iyo dheeftiina garan weydaan maxaad ka noshihiin wax badan baan ogahay maxaa lop diley axmed rashiid cabdal deerow iyo kuwa kale oo la yiri shabaab ba diley waxa lo duley ujedoyin badan ilaahey caqliga wuxu nosiyey inan wax ku kala garan karno

  3. Abuukar walaalaheen Mirifle eed ma laha, waa dadka hormuudka ka ah howsha 6da gobol. kuwa dhibaatada wada waa kooytadi DM sida Shariif Xasan iyo Wax uu ku shaqeysto oo Digil & Mirifle ah.
    Xuseen Badni waaa Digil, waxuu la socdaa Sharif Sakiin, marka sheekada DM ma joogto shaksiyaad sida Siidii, Sakiin, Badni, Samaan iyo etc ayey ku egtahay

  4. waa riyo waxaad maqleysaan caawa shariif xasan waxaa lagu amrey inuu magaalada ka baxo haddii kale uu la mid noqdo salaadiyiina d .m taasna waa war cusub sii dhega dhageeya idinkana

  5. Asc.Dhammaan Mirifle waxay qabaan in la dhiso 6 gobol taas ha ogaadeen walaalaha waana biyo kama dhibcaan . Hadii shariifka iyo dadka asaga la ra’yiga ahi ee ay rabaan 3 gobol taasi ma aha Miriflaa la og…! DM iyo dadka deriska nala ah way gaarayaan hadaf kooda iin shaa Allaah waxaana badan inta samaanta jecel mar walba.
    Ilaahoow inta xumaanta iyo hagardaamada ku wado dadkaas lixda gobol dega ka qabo….!

  6. warninkaan shariif la dhaho dhuun ayuu ku shaqeeyaa dan digil iyo mirifle ma wado waa daneysto waxaan dhihi lahaa odayaasha dhaqanka in aysan muuqifkooda ka laaban oo 6gobol dhistaan nin garguurte ayuu lacag ka qaatay 3gobol reerkaada u dhis ayaa la yiri ha ka tana sulaano 6 gobol marka sunta loo soo dhiibay iska illaaliya cudur ha ku dhacee waa daneyste

Comments are closed.