Wasiirada Arimaha Dibada Fawsiya Yusuf oo ka warbixisey shir madaxeedkii wadamada Africa

0
51

fowsiyoWasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso oo ka qeybgalay shir madaxeedka wadamada Africa iyo Farance ee ku qabsoomay magaalada Paris 6-7 December ayaa dibna ugu soo laabatay caasimadda Muqdisho.

Fowsiya ayaa waxa ay faah-faahin ka bixisay waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi iyo kulamo gaar gaar ah oo ay la kala yeelatay madaxda iyo Wasiirada shirkaasi ka qeybgalay oo ay u jeedisay codsi ah in laga taageero Soomaaliya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha .

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinayay Agaasimaha guud ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) General Bashir Mohamed Jama ,Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Abdi Esse Dirshe ,Afhayeenka Madaxtooyada qaranka Eng. Abdirahman Omar Osman “ Yarisow”.

 
Daafeet.Com