Dhegeyso:- Xildhibaan sheegey in Gobolka Sh/Hoose uusan ka jirin wax Amni ah

0
25

barlamanka-cusubXildhibaan C/laahi Abshiroow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hor hadlaye Baarlamaanka xilli su’aalo la weydiinaye Wasiirka arimaha gudaha ayaa wuxuu sheegay in amnidarada Gobalka ka jirta ay ka dambeyso maamul xumida.

Wuxuu sheegay in hadii Gobalka uu lahaan lahaa maamul wanaagsan aysan jiri laheyn in dagaal uu dhaco iyo in isbaarooyin ay dhigtaan maleeshiyaad hubaysan.

Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayuu sheegay inaan la isku raacsaneyn,sidoo kalena Gobalka uusan laheyn ciidan Booliis iyo Nabadsugid oo suga ammaanka Gobalkaasi.

Shabelaha hoose

Daafeet.Com