Xaflad lagu maamuusayo 1 Luulyo oo xaley lagu qabtey Magalada Muqdisho

0
32

1da-luulyoSanad-guuradii 53-aad ee xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo ayaa xalay iyo maanta si weyn looga dabbaaldegay Magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, wasiirro, xildhibaanno, madax ka tirsan Jabuuti iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo ku aaddan 53-guurada maalinta xorriyadda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ka codsaday inay midoobaan oo ay garab istaagaan dowladnimada.

Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna hambalyo ku aaddan 1-da Luuliyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

 
Daafeet.Com