Afhayeenka Ciidamada Kenya oo sheegey in Ciidamada Kenya aaney la safan Koox

0
36

Col Cyrus OgunaAfhayeenka ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay isagoo ku sugan Nairobi in ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee ku sugan Kismaayo ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayna ka qaybgaleen dagaalkii ka dhacay magaaladaas.

“Ciidamada milateriga Kenya ee ku sugan Soomaaliya waxay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna AMISOM halkaas ku joogtaa codsi uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidaa daraadeedna ma jirto cid gaar ah oo ay AMISOM la safanayso, ciidamadeenuna waa kuwo la mid ah AMISOM waana dhexdhexaad,” ayuu yiri Col. Oguna oo u warramayay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Mareykanka VOA.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in waajibka ciidamada AMISOM ay ku joogaan Soomaaliya uu yahay inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, mana dhacayso inay cid kale caawiyaan.

Ma aha markii ugu horeysey oo eedeymo noocan oo kale ah loo soo jeedinayo ciidamada dalka kenya ee ku sugan gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan Kismaayo.

 
Daafeet.Com