Dowlada Federalka Somaliya oo dalbatey in Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaanyo laga bedelo

0
38

CabdishakuurDowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamo kale oo ka socda ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika lagu baddalo ciidamada Kenya ee jooga magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire ayaa soo jeediyay in ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo lagu baddalo ciidamo kale oo ka socda waddamada qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ka xuntahay in ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan ay la saftaan mid kamid ah garabyada ku dagaalamaya magaaladaasi, waxa uuna sidoo kale wasiir ku xigeenka ku eedeeyay AMISOM in ay madaafiic ku garaaceen xarumaha dowlada ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu wasiir ku xigeenka tilmaamay in ciidamada AMISOM ay bartilmaameed ka dhigteen xarumo ay Kismaayo kaga sugnaayeen ciidamada dowlada, isagoona ku eedeeyay ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan in ay dil iyo dhaawacba u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

 
Daafeet.Com