Genaral Fartaag oo ku eedeeyyey Dowlada iney Masuul ka tahay dagalada ka socda Kismaanyo

0
22

General-FartaagGeneraal C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo sheegta Madaxweyne ku xigeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay wax cad tahay in Dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaadatay dagaalka xoogan ee ka dhacay Kismaayo.

Wuxuu sheegay in dagaalka Kismaayo uu biloowday markii magaaladaasi ay tageen Wafdi Wasiiro Xukuumadda ka socda,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Fartaag ayaa sheegay inay wax cad tahay in Dowladda Soomaaliya dagaalkaasi ay ka qeyb qaadatay oo colaada Magaalada Kismaayo ka jirta ay hurisay sida uu hadalka u dhigay madaxweyne ku xigeenka maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo.

Si kastaba arintu ha ahaatee xaalada Magalada Kismaanyo ayaa ah mid cakiran taasoo ilaa iyo hada loo weysan yahay nabad waarta, Ciidamada kenya ayaa ayagana ka mid ah kooxaha dagaalka dhinac ka wada ayagoo doonaya iney danahooda ka fushadaan deegaankaas.

 
Daafeet.Com