Soomaaliya: Guul Dowladnimo, Walaac Siyaasadeed!

0
33

xasan xXiisadaha siyaasadeed ee ka aloosmay maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo mashruuca la baxay JUBBALAND waxay durbadiiba dhalisay muran xoog badan oo aad u saameyday bulshada Soomaalida meel kasta ay joogto; taasoo loo arkay inay horseedi karto soo noqosho colaadii sokeeye.

Iska hor-imaadka hubeysan ee maamihii lasoo dhaafay ka dhacay Kismaayo, ilaa iyo haatan ka  taagan,  ma uusan sababin, oo kaliya, dhimaso, dhawac iyo barakac lakiin waxuu muujinayaa in siyaasadeed Soomaaliya ay tahay mid aad u nugul, dhinacyo badana ay khatar uga meereysantahay.

Hadaba, su’aashu waxay tahay, maxaa u sabab ah is-afgarashawaaga iyo xurkufta siyaasadeed ee jirta, maxaa haboon in laga yeelo,

Rajo Dowladnimo

Haddii aan, si kooban, u dulmarno xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar aan marxaladda cusub ee goorteeda ama taariikheeda ka bilaabaneyso bartamaha sanadkii lasoo dhaafay ee 2012-ka, waxaa, sida la ogyahay, Soomaaliya ka dhacay isbadal siyaasadeed oo lagu tilmaami karo ‘Rajo dowladnimo’ -taasoo ay ugu horeydo in dalku ka baxay marxaladdii dheereed ee Dowladihii Ku Meel Gaarka ahaa. Waxaa la dhisay dowlad hogaan cusub leh, oo inkastoo, rasmi ahaan, ay tahay, xukuumad joogto ah, ayaa hayeeshee hawsha ay qabaneyso ama barnaamijkeed siyaasadeed, intiisa badan, uu noqonayo dhameystir shaqada dowladihii ka horeeyay ee KMG ahaa.

Xasilinta dalka, sida ku saleeyasan barnaamijka dowladda cusub, ayaa u jiheysan dhinaca ammaanka, siyaasadda, bulshada, hagaajinta nidaamka sharciga iyo maxkamadaha, soo nooleynta dhaqaalaha, la dagaalanka fasaadka, iyo tan ugu muhiimsay: dib-u-heshiisiin guud oo lagu xaqiijinayo, ama dib loogu nooleynayo,(Revival) midnimada ummadda Soomaalida.

Waxaa intaa dheer, marka la gaaro 2016-ka, in dalka oo dhan laga sameyn doono doorasho guud iyo dhismo dowlad cusub, taaso la doonayo inay ku dhacdo hab dimoqaardi ah oo ay axsaab siyaasadeed oo ku shaqeynaya barnaamij iyo fikar qaranimo u tartami doonaan baarlamaanka iyo hogaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Siday ahaataba, haddii hindisaha ay dowladdu ku shaqyneyso si dhab ah loo dhaqan galiyo, intiisa badana lagu guuleysto, gaar ahaan dhinaca ammaanka, waxaan shaki ku jirin in rajada laga qabo dowladnimada Soomaaliya ay si buuxda usoo noqon doonto, degenansho iyo horumar fiicana laga gaari doono dhinacyada siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha.

Waxaa dhab ah, Soomaaliya inay markaan heysataa fursad aad u weyn oo loo baahanyahay inaysan lumin, islamarkaana looga faa’iideysto sidii assaaska loogu dhigilahaa nidaam dowladeed oo wax tar ah, (Effective and viable system of government), nidaamkaas oon ogsoonahay inaan hal habeen iyo maalin lagu sameyn Karin, lakiin uu baahanyahay waqti ku filan, qorshe fiican iyo jiheyn toos.

Iyadoo Dowladaha Caalamka iyo ururada Soomaaliya, xubin ahaan, ka mid tahay ay waqitgan u soo jeedan xaaladda Soomaaliya, taaso runtii ah dhiiri galin iyo fursad aad muhiim ah, ayaa mas’uuliyadda kowaad waxay saarantahay bulshada Soomaaliyeed oo dhan, waxaana waajib ku ah inay si wadajir ah gacan ugu siiyaan dowladda taabogalinta barnaamijka ay ku shaqeyneyso iyo fulinta hawlaha culus ee horyaala.

Walaac Siyaasadeed

Lakiin ayaan daro, waxaa muuqata in duruufta siyaasadeed ee dalka aysan u socon dhinacii loo baahnaa iyo jiho u dhaw. Tan iyo markii uu blawday muranka ku saabsan maamul u samyenta Gobolada Jubbooyinka iyo mashruuca laga shakinayo in gacan shisheeye ka danbeeyo ee Jubbaland, waxaa muuqatay in jawiga siyaasadeed ee dalku noqday mid walaacsan, isla markaan bixinaya ififaalo aan wanaagsaneyn oo niyad jab ku ah higsiga dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya,

Haddii aan si kale u sheego, muranka siyaasadeed ee ka dhashay qaabka loo sameeyay dowlad goboleedka loo bixiyay Jubbaland, waxuu bulshad Soomaaliyeed ka dhex abuuray is-tuhun iyo xiisad coladeed oo aan, marnaba loo baahneyn, gaar ahaan, marxaladdan cusub ee bilawga ah iyo iyadoo Bulshada Caalamkuna ay markan ku hanweyntahay in Soomaaliya ay ka dhalato dagnaan iyo nabad waarta.

Waxaan shaki ku jirin in xiisadda kulul iyo is-afgranshawaaga socda lagu tilmaami karo inay tahay, (Political melodrama), oo aan la saadaalin karin dhammaadka ay yeelan doonto; iyadoo, islamarkaana, daaha ka rogtay xaqiiqda ah: in bulshadeynu aysan weli wax badan ka baran duruufihii qalafsanaa iyo walhankii Colaadda Sokeeye ee dalka soo maray.

Sidoo kale, waxaan shaki laheyn in sababta keentay khilaafka u dhexeeya dowladda iyo ragga horseedka u ah, ama u qiireysan, mashruuca Jubbaland ay tahay arrin u noqoneysa nidaamka FEDERAALKA ee la doonayo in lagu saleeyo hanaanka dowladnimada Soomaaliyeed; nidaaamkaas oo ay dad badan u arkaan, aniguna aan ka mid ah, in bulshada Soomaalida uusan xal siyaasadeed, marnaba, u horseedeyn hayeeshee salka u adkeynayo dhaqanka xun ee siyaasad qabyaaladeedka!

Haddii aan mar kale ku noqodo, sida guud ahaan laga warqabo arrimaha lagu muransanyahay iyo is-diidmada jirta, waxaa lagu cileynayaa aragtiyo kala duwan oo la xiriira fasiraadda DUSTUURKA federaalka, taasoo labda dhinac, Dowladda Dhexe iyo kooxda wadata Maamulka Jubbaland, uu mid welba tiisa la qumantahay.

Dowladda Dhexe waxay sheeganysa inay iyadu xaq u leedahay qabanqaabada, dul-joogga, jiheenta iyo fududeenta hawlaha doorashooyinka ee dhammaan dhismaha maamul gobleedyada dalka; halka ay raga horseedka u ah maamulka Jubbaland ay si cad u diidanyihiin doorka Dowladda Dhexe ay dooneyso in qaadato; iyagoo weliba arrintaas ku tilmaamay farogalin aan loo baahneyn!

Inkastoo Bulshada Caalamku ay caddeysay, kuna celcelisay in mas’uuliyadda arrimaha maamul u sameynta gobolada dalka ay tahay mid saaran, lagana rabo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa, sida muuqata, taas aysan noqon mid ay ku qancaan dadka abaabulay mashruuca maamulka Jubaland.

Dhinac kale, waxaa waajibku ahaa ama looga baahnaa dowladda iyo hay’adeheeda, gaar ahaan, Golaha Wassiirada inay horseedaan ama, figrad ahaan, iyagu ay la hormaraan bilaw siyaasadeed, (Political initiative), oo ku jiheeysan arrimaha Jubooyinka, lakiin waxaad moodaa in qorshe horey u diyaarsanaa, (Pre-made plan) oo ka yimid dhinac Neyroobi aad uga dheereeyay talaabada Dowladda Dhexe laga rabay inay qaado!

 

Maxaa haboon inla yeelo

Herdanka iyo loolanka siyaasadeed ee soo baxay ka dib markii xoogagga Al-Shabaab ee la jabiyay bilaabeen inay dib uga gurtaan magaalooyinka waaweyn, islamarkaan ay si weyn u muuqato awoodda balaaran, (Tremendous leverage) ee dowladaha darisika ah ku leeyihiin arrimaha Soomaaliay; taasoo laga dheehan karo sida madaxda dowlad goboleeyada dalka ay ugu xiranyihiin caasimadaha wadamada dariska.

Ayaa, sidaa darted, waxaa looga baahanyahay madaxda dowladda inay si dhab ah, isla markaan caadifad ka fog, u waajahaan xaaladda siyaasadeed ee dalku galay, taasoo ay ugu darantahay muranka ka dhashay maamul u sameynta Jubbooyinka.

Arrinta ku saabsan dib u eegidda la doonayo in Dustuurka Federaalka lagu saameeyo waa figrad loo baahanyahay oo aad muhiim ah, isla markaana, dhinac kale abuuri karta qas iyo jahwarreer cusub; sidaa darteed waa inaan lagu koobin dooda arrintaas Golaha Shacbiga oo kaliya hayeeshee laga talo galiyo siyaasiyiinta iyo dadka aqoonta u leh umuuraha siyaasadda iyo bulshada.

Waxaa ahmiyad weyn leh, qabashada shirweynaha qaran oo dib u heshiisiin, waxaase loo baahanyahay inuu ahaado labo qaybood ama labo waji oo kala horeeya.

–         Wajiga hore: waa mid loo qabanayo dhammaan bulshada Soomaalida ee Dagaalkii Sokeeye isku qoonsatay, welina aan isu calool fayoobeen ama dhibaatoyin kala tirsaneysa.

Wajigaas kowaad ee dib u heshiisinta bulshadeed waa inuu ka dhashaa is-cafis guud iyo bilow waa cusub oo dib usoo celinaya kalsooni iyo nabad ku wada noolaashihii umadda Soomaaliyeed.

–         Wajiga danbe: waa dib u heshiisin ku saabsan mustaqbalka siyaasadda dalka oo ku jiheysan marxaladda ka danbeyda Dagaalka Sokeeye iyo xoojinta midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Arrinta siyaasadeed ama dib u heshiisinta dhanaca siyaasadda waa tan ugu adga ama ugu kulul, hayeeshee waxaa fududeynaya iyadoo marka hore bulshdu ay heshiis tahay, danta guud ee qarankana, argti ahaan, ay ka mideysantahay.

Haddii aan gunaandka fakarkeyga soo koobo, iyadoo la ogsoonyahay in dalka uu, dhinaca siyaasadda, ku jiro waqti kala-guur ah, dowladana ay horyaalaan dhiibaatooyin is-biirsaday, ayaa hogaamiyaasha maraxaladan bilawga u ah dowlad Soomaaliyeed oo joogtada ah waxaa looga baahanyahay inay aragti mideysan iyo dul qaad dheeraad ah ku maareeyaan arrimaha siyaasadeed ee walaaca badan.

 

 

Qore: Xassan Xayle, [hassanhaile@hotmail.com]