Xaalada Magalada Kismaanyo oo weli Cakiran

0
26

kismaayoowXiisad dagaal ayaa la sheegayaa in ay ka taagan tahay maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, labo maalmood kaddib markii ay magaalada ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan ganacsiga magaalada uu xiran yahay, iyadoo uu yar yahay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha gudaha magaalada.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa ku kala sugan goobihii uu dagaalka ka dhacay, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in isku dhac hore uu dhexmaro.

Si kastaba arintu ha ahaatee dagaaladan soo noqnoqonaya ee ka taagan Degmada kismaanyo ayaa ah ku ay adag tahay in xal loo helo maadaama ey jiraan faragelin shisheeye ee ka jirta deegaankaas asaga ah.
Daafeet.Com