Dhegayso…Mukhtaar Roobow iyo Ciidamo uu wato oo saldhigtay Tuuladii uu ku dhashay.

3
49

roboMukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ah hogaanka sare ee Xarakada Shabaab ayaa waxa uu soo gaaray deegaanka Tabo oo 18Km u jirta magaala madaxda gobolka Bakool ee Xudur.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn waxa uu u socdo Mukhtaar Rooboow ayaa waxaa hadana aad loo hadal hayaa inuu isu soo diyaariyay sidii u isu soo dhiibi lahaa isagoo weliba haatan salka dhigtay tuulada Taabo oo Isaga,Aabihii iyo Awoowgiiba ay ku dhasheen una dhasheen.

Talaabadan uu Mukhtaar Rooboow ku tagay tuulada Taabo ayaa waxay imaanaysaa 24 saac ka dib kolkii Hogaamiye Xasan Daahir Awees uu isu dhiibay mid ka mid ah maamul beeleedka beeshiisa Habargidir ee Ximin iyo Xeeb.

Halkan ka dhegayso Waraysi uu wariyeheen magaalada Baydhabo Cali Cabdulqaadir Cali(Cali Maykaykal) uu la yeeshay mid ka mid ah maamulka dowlada ee gobolka Bakool.

rooboow

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. Fiqi tolki kamajanatago.dulmiwade Hasan dahir haddi uu habargidir yahay , IIbrahim afghan-na hargeysa looga tacsiyeynaayo roobow maxaa u diiday bay iyo bakool in uu maciiin bido.

    .

  2. asc salan kadib guul so hooyatey waaye lkn waxaan kula tliinaa maamulak gobolka bay in ay si fiican u soo dhaweeyaan abuu mansoor waayo qofka waa qaldami karaa hadii uu isa soo dhiibo dhabarka hala saarto asc

  3. Doqon waxaa u roon inuu iska aamuse, waayo markuu hadlo dadku waxay ogaanayaan dabaalnimadiisa. Roobow, Aweys, iwm, waxay dileen dad masaakiin ah, luqunta ka gooyeen. dadkaas waxaa kamid ah kuwo Bay & Bakool u dhashay. Dadkaas dhiigooda xaar miyaa? Roobow dhabarka maxaa u saaree, walaalkaa ow dilee? Markii lasoo cayriyey ow qabiil kuu soo hoos galaa. Walaalkaa ma ahan, ee waa gacan ku dhiigle, sida Mr. Aweys, Caydiid, Moorgan, Qanyare, iwm.

Comments are closed.