Hogamiye ka tirsan Alshabab oo lagu qabtey Boosaaso

0
25

shababMaamulka Puntland ayaa sheegay inay qabteen hor-jooge ka tirsan kooxda al-Shabaab kaddib is-rasaaseyn dhex martay ciidanka ammaanka iyo eedeysanaha oo la sheegay inuu rasaas ku furay ciidanka.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa BBC-da u sheegay in Cabdikaafi Maxamed Cali uu ku dhaawacmay howlgal ay ciidanka ka sameeyeen guri uu ku sugnaa, haatanna lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Boosaaso.

Askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka ayaa ku dhintay howlgalka oo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Khaliif wuxuu sheegay in Cabdikaafi uu ahaa madaxa howlgallada al-Shabaab ee deegaannada Puntland.

Daafeet.Com