Wafdi uu hor kacayo Wasiirka Arimaha Gudaha oo u kicitamey Magaalada Kismaanyo

0
21

w gudahaWafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saakay u ambabaxaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa waxaa qayb ka ah wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, iyadoo booqashadan ay kusoo beegmayso xilli ay degmadaas ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada maamulka iyo kooxo hubeysan.

Ma jiro hadal u warbaahinta siiyay wasiirka arrimaha gudaha intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, balse wasiirku wuxuu horay u sheegay in qorshaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka aan lagala tashan xukuumadda Soomaaliya.

Dhawaanahan ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka socday qaban-qaabada shir-weyne la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo inkastoo uu hakad ku yimid qabsoomiddiisa, waxaana jira muran ku saabsan shirkaas oo ka dhexeeya dadka deegaanka.

Wafdigan sare ee ka socda dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay dowladda Soomaaliya u dirto magaalada Kismaayo tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday degmadaas muddo hadda laga joojo shan bilood.

Daafeet.Com