Maamulka Alshabab ee ku sugan Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigey Macalimiin Dugsi

0
29

dugsi quraanKooxda al-Shabaab ayaa shalay xabsiga u taxaabtay macallimiintii dugsiyada Qur’aanka ee deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Macallimiinta oo tiradooda lagu sheegay 12 ayaa la xiray kaddib markii ay ka qeyb-gali waayeen bandhigga kitaab ay qortay al-Shabaab oo lagu soo ururiyay aayadaha iyo axaadiista ka hadlaya Jihaadka.

Wararka waxay sheegayaan in odayaasha dhaqanka ee deegaanka ay ku guul-dareysteen isku day ay ku doonayeen inay ku qanciyaan kooxda al-Shabaab sii-deynta macallimiinta.

Ardayda dugsiyada deegaanka Halgan ayaa la sheegayaa inaanay aadin dugsiyada tan iyo shalay, lamana garanayo muddada ay dugsi la’aan sii ahaan doonaan.

Al-Shabaab ayaa ku khasbeysa macalimiinta inay carruurta dugsiyada u akhriyaan kitaabka ka hadlaya mawduuca Jihaadka oo keliya.

Macallimiiinta ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore waxay dhibaatooyin isugu jira xarig iyo dil kala kulmeen maleeshiyada al-Shabaab.

Daafeet.Com