Madaxweynaha Mamul Goboleedka Puntland oo ka hadley sababta loo joojiyey Shidaalkii laga keeni jirey Yemen

0
33

farooleDowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay go’aan ay dhowaan ku mamnuucday, shidaal ay qaar kamid ah ganacsatada yar yar ee Puntland ka keeni jireen dalka Yemen. Arintan oo ay ganacsatadu aad uga soo horjeesteen, ayaa waxaa markii ugu horeysey ka hadlay madaxweynaha Puntlanda Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey -muddaaharaad lagu dhaleeceynayey dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo ururka Al-shabaab oo shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay jiraan ganacsato si hoose ula shaqeysa ururka Al-shabaab.

Wuxuuna intaas raaciyey in sababta keentay in shidaalka Yemen ka yimaada Puntland laga mamnuuco ay tahay maadaama doonyaha keena lagu soo qariyo hub iyo walxaha qarxa, isagoo taas ka hadlaya waxaa Dr. Faroole hadaladiisii kamid ahaa:

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xiligan ay ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan dad 50 qof gaaraya, kuwaas oo lala xiriirinayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo dilkii Sheekh Cabdiqaadir, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loosoo taagi doono.

Hadalka kasoo yeeray dowladda Puntland ee ku aadan mamnuucista shidaalkii ka iman jirey dalka Yemen, wuxuu kusoobeegmayaa xilli dhowaan uu magaalada Boosaaso ka dhacay Bananbax ballaaran oo ay soo abaabuleen ganacsatadii uu shidaalkaasi usoo degi jirey.

 

Daafeet.Com