War Saxaafadeed – Odayaasha Digil iyo Mirifle oo Maanta Magacaabay Guddi

0
86

Odayaasha Digil Mirife (DM) oo matalayaa beelaha dega gobolada Shabeelada Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Bay iyo Bakool ayaa maanta oo taariikhdu tahay 7 September 2012 shir ku yeeshay Muqdisho.

Shirkaas oo daba-socday wada tashi muddo dheer socday oo odayaasha la yeeshay qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa lagu falanqeeyey dhibaatooyinka heysta dadka deegaanka iyo baahida loo qabo in maamul xalaal ah loo helo deegaanadaas.

Waxaa go’aan midaysan lagu gaaray in la sameeyo guddi farsamo oo ka kooban 35 xubnood. Guddiga oo loo xilsaaray hawlaha abaabulka, wacyigelinta iyo wadatashiga qaybaha bulshada DM iyo beelaha kale, taasoo ujeedada ka dembeeysa ay tahay dhismaha Dowlad-goboleed loo wada dhan yahay.

Hawsha guddiga waxaa xiriirin doona guddiga fulinta oo ay ka kooban yihiin 10 xubnood iyagoo iska soo dhex dooran doona gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen.

Magacyada Guddiga fulinta:

1. Eng Salah Sheekh Osman

2. Maxamed Aden Ibrahim (Fargeto)

3. Fawsiyo Maxamed Sheekh

4. Haaji Cali Sh. Maxamed Nur

5. Gen Mohamed Sheekh

6. Cabdi Aden Hoosow

7. Prof Maxamed Abdiraxiim

8. Pro Abdullahi A Osman (Xiiray)

9. Cabdullahi Cabdi Garuun

10. Xaawo Xasan Maxamed

Howsha Guddiga:

Inuu wada tashi la yeesho beelaha kale iyo qeybaha bulshada

Inuu soo diyaariyo dastuurka iyo qaab-dhismeedka dowlada

Inuu soo diyaariyo shirweye guud iyo miisaaniyada shirka

Inuu wacyi geliyo bulsha weynta ku nool guddaha wadanka iyo dibadiisaba