AC Milan Oo Ay Diirada U Saaran Tahay Ciyaaryahanka Qadka Dhexe Ee Barcelona Fabregas

0
54

Kooxda AC Milan ayaa waxa ay dooneysaa ciyaaryahanka qadka dhexe ee Barcelona Cesc Febregas marka uu dib u furmo suuqa bisha January sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Talyaaniga.

Wargeyska ka soo baxa Italy ee Corriere dello Sport ayaa qoray in ciyaaryahanka qadka dhexe ee Spain uu ka yahay kan ugu sareeya liiska laacibiinta ay dooneyso Rossoneri iyadoo uu 25jirkan haatan uu mar walba fadhiyo kursiga keydka Blaugrana.

Fabregas ayaa waxa uu ahaa mid aan ciyaarin kulankii Tito Vilanova 2-1 loogaga badiyey Santiago Bernabeu bishii August, waxana la bedelay kulankii Catalan ay 1-0 ugaga badisey Valencia.

Wargeyska maalinlaha ah ee Rome ayaa waxa uu qoray in xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada koox ay arrintan sahli doonto,iyadoo aysan soo fududaan doonin sidii uu saxiixaa ku dhihi lahaa.

Wareysi uu la yeeshay Radio Marca toddobaadkii hore ayuu ciyaaryahankii hore ee Arsenal qirtey in uu nolosha ay ku dhibtey garoonka Camp Nou isagoo yiri:”Ma ihi keyd weyn, tababaraha wuu garanayaa waxa aan samayn karo.”