Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxday Dalabka Juventus Ee Drogba

0
55

Kooxda haysata horyaalka Serie Ada ee dalka Talyaaniga Juventus ayaa u bandhigtey dalab ah labo sano oo xilli ciyaareedkiiba la siinayo Drogba lacag dhan €5m sida ay shaacisey France Football.

Shalay ayaa waxaa soo baxay in horyaalka Talyaaniga uu ku guuldareystey dalab uu u gudbiyey Drogba waxana maanta la shaaciyey faahfaainta dalabkaas.

Waxaa la sheegay in Agasimaha Guud ee Juventus Beppe Marotta uu u bandhigey Drogba €10m kunturaad ah. Isla markaana Drogba uu guno ahaan u qaadanayo halkii xilli ciyaareed lacag dhan €500,000 haddii uu boqolkiiba toddobaad uu ciyaaro kulamada kooxda, hase yeeshee Drogba ayaa ka diidey dalabkaas kooxda haysata horyaalka Talyaaniga.

Ma aha oo kaliya sababta uu ku diiday in kooxda Shanghai Shenhua uu lacagta ka helayo ay ka badan tahay tan Juventus balse waa inuu bixiyaa lacag badan oo magdhow ah si loo baabi’iyo heshiiskii uu la galay kooxda ka dhisan dalka Shiinaha.

34-jirkaan ka tirsan xulka Ivory Coast ayaa u wareegay dhowaan kooxda Shanghai kadibmarkii uu dhamaaday heshiiski uu kula joogay kooxda ku guuleysatay horyaalkii Championkii hore ee Chelsea.