Cesc Fabregas Oo Sheegay In Warar Badan Oo Been Ay Ka Faafiyeen Saxaafada Caalamka

0
52

Cesc Fabregas ayaa sheegay in buubuunin faro badan laga sameeyey warar dhowaan uu sheegay isla markaana uu yahay ciyaaryahan ay ka go’an tahay in mustaqbalkiisa uu ku dhamaysto kooxda Barcelona.

Ardaygii hore ee La Masia oo dib ugu soo laabtay Camp Nou xaggaagi hore isagoo ka soo tegey Arsenal ayaa waxa haatan la soo derestey xaalad adag oo dhinaca garoonka ah.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa waxaa eedeeyey isla markaana ay abuurtay warar ah in aysan isku wanaagsanayn tababaraha kooxda ayna suurtogal tahay in uu u wareego koox kale bisha Janaayo, hase ahaatee ciyaaryahankan ayaa waxaa uu ku jahawareeray wararkaa laga sheegayo.

“Wax walba oo la sheegay waa la buunbuuniyey. Qeybo ka mid ah saxafada ayaa waxaa ay alifeen xitaa in taageerayaal ay igu fooriyeen,”ayuu u sheegay radio Catalunya.

“Waa aniga qofka ugu horeeya ee ogaanaya in aan hagaagsanahay, waana sidaas dadaalkeygana ma aha mid meel cidla ah ku dhamaanaya.”

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Spain aya sidoo kale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan kooxda Barcelona.

“Waxaan mar walba rumeysnahay in aan halkan waqtigeyga ku dhamaysanayo. Waxaan ka tegey anigoo 16jir ah anigoo markaa ay ila ahayd inay tahay arrintii ugu fiicneyd. Markii aan soo laabtayna waxaan u soo laabtay amigo og inay ii taal inaan la tartamo laacibiinta ugu wanaagsan caalamka.

“Ma baqayo, waxaandoonayaa inaan waqtigeyga ku dhamaysto  Camp Nou.

“Dadaal dheer ayaan u galay sidii aan halkan ugu soo laaban lahaa igamana ahayn inaan hal sano uun joogo , balse waxaan doonayaa in aan mustaqbalkayga halkan ku dhamaysto.”