Mahiga oo ugu baaqey barlamanka iney soo doortaan madaxweyne cadalad ku dhaqa somaliya

0
63

Iyadoo ay soo dhaw dahay Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa hadana waxa ay Qaramada Midoobey ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliay in ay soo xulaan Madaxweyne Bad baadiya Dalka Soomaaliya .

Sidoo kale Ambaasadoor Mahiiga waxa uu sheegay in Baarlamaanka ay Isha la,eegaan Musharax Daacad ah isla markaana saameyn weyn ku yeelan kara in Dalka uu Hogaamiyo Afarta Sano ee soo aadan.

Hadalkan kasoo yeeray Qaramada Midoobey ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo Maalmo yar ay ka harsan yihiin waqtiga Doorashada Madaxweynaha Dalka lagu balamay in ay dhacdo.

Baarlmaanka Soomaaliya ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay soo doortaan Ruuxii hogaamin lahaa Afarta Sano ee soo socota Dalka Soomaaliya.

Yasin Abicar

Daafeet.Com