Webiga shabeele oo xaley ku fatahay xaafado ka tirsan degmada baledweyne

0
358

Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Xaafadaha Kooshin, Howlwadaag iyo Buundaweyn ayuu karkaarada ka jabsaday wabiga Shabeelle oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday biyo aad u farabadan, islamarkaana laga cabsi qabay inuu fatahaad sameeyo.

Waxaa Maanta xaafadaha magaalada Baledweyne ka socda barakac aad u baahsan oo sameynayaan dadka ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo u barakacaya dhulka taaga ah oo aysan biyaha galin si ay uga baxsadaan halista ka dhalan karta biyaha wabiga Shabeelle.

Meelaha ugu badan ee barakaca uu ilaa Xalay ka socda ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Kooshin, Howlawadaag iyo Buundaweyn, mana lasoo warin cid wax ku noqotay maadama dadku ay si aad ah uga feejignaayeen inuu fatahaad sameeynayo wabiga Shabeelle.