Xildhibaan Jacfar oo ugu baaqay shacabka deegaanka waxbo iney guryahooda ku laabtaan

0
559

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo katirsan barlamanka Soomaaliya, islamarkaana hoggaaminaya xoogagga xoreeyay deegaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud, ayaa ugu baaqay shacabka Waxbo inay gurayahooda kusoo laabatan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in kooxda Alshabaab ka hor inta aysan ka cararin deegaanka wabxo inay dadka shacabka ah ku qasbeen inay isaga baxaan oo duurka galaan, arrintaas oo keentay in deegaanka laga waayo hal qof oo jooga.

Xidlhibaan Jacfar wuxuu sheegay ciidamada xoreeyay deegaankan inaysan gadaal u laaban doonin oo ay xorayndoonaan dhammaan deegaannada Alshabaab kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud.