Midowga africa iyo xukuumada oo bilaabay ka hadalka howlgalka cusub ee midowga africa

0
38

Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlaya waajibaadka shaqo ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa beddeli doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo waqtigiisu uu dhammaanayo 31-ka Maarso 2022.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in qorshaha la soo jeediyay uu diirrada saari doono sidii loo hirgelin lahaa mudnaanta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo STP.

STP waa istaraatiijiyad dhameystiran oo ay dejiyeen DFS iyo la-hawlgalayaasheeda si ay ugu jiheeyaan in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejinayo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in QM ay ka go’an tahay in si guul leh dib u habeyn loogu sameeyo AMISOM iyadoo loo marayo wadatashi, wadashaqeyn iyo isku dubarid.