Howlgalo lagu sugayey amniga oo laga sameeyey magalada beledweyne

0
148

Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay oo dad farabadan lagu soo qab qabtay ka fuliyay xaafadaha qaar ee magaalada Beledweyne.

Ciidamada ayaa sigaar ah uga fuliyay Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-Taako, iyaga oo baarayay Gurayaha qaar iyo Gaadiidka yaryar ee isticmaalaya waddooyinka Magaalada Beledweyne, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayo kooxaha habeenkii dhaca u geysta Bulshada Beledweyne.

Taliyaha Booliska Magaalada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabqabtay dad farabadan oo qaarkood lagu tuhmayo inay ahaayeen kuwa maalmihii la soo dhaafay falalka amni darro ee dhaca ka geysanayay Xaafadaha Kooshin & Xaawa-Taako ee Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu u digay Kooxaha Burcadda ah ee xilliyada habeenkii dhaca u geysanaya dadka Shacabka iyo kuwa isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa aka Ganacsada, isaga oo sheegay in qofkii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono.