Shirka golaha wadatashiga doorashooyinka oo kol dhaweyd ka furmey magalada muqdisho

0
126

Waxaa Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Maamul Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Puntland Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiga uu uga qeyb galayo Aalada (ZOOMKA).

Sirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka oo ay Madaxdu ku gaareen Magaalada Muqdisho.