Wasiirka warfaafinta oo ka hadley xaalada dhaliyada tababarka loogu qaadey dalka eritrea

0
69

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in laga qeyb-geliyey dagaalkii Itoobiya.

Dubbe ayaa meesha ka saaray in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, wuxuuna xaqiijiyey inay caafimaad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-markaana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo.

Sidoo kale Dubbe ayaa tilmaamay in tababarkooda uu marayo gabagabo, wuxuuna ka digay in la siyaasadeeyo tababarka ciidamada oo uu tilmaamay inuu yahay sir qaran.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dano gaar ah laga leeyahay arrintan, isla-markaana la doonayo in shacabka laga jeediyo xasuuqa gobolka Gedo.