Taliyaha ciidanka xooga dalka oo gaaray magalada marka

0
287

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ciidan oo la socota ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Taliye Odawaa oo safar dhinaca dhulka kusoo maray degaano ka tirsan gobolka Shabeellalaha, waxaana uu la kulmay saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Gobolkaas.

Sidoo kale taliye Odawaa ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee ku sugan Magaalada Marka, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Saraakiisha Ciidamada uu la kulmay taliyaha xoogga ayaa waxaa uu kala hadlay sidiii Ciidamada ay howlgallo kala duwan uga sameyn lahaayeen degaannada hoostaga Magaalada Marka oo qaarkood ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.