Dagaal maanta ka dhacay degmada walaweyn

0
107

Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi goordhow uu ka bilaawday dagaal u dhaxeeya masuuliyiinka wada tirsan maamulka degmada.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ka socdo Xaafada Muuri ee degmadaas, isla markaana uu u dhaxeeyo Ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada Walanweyn Maxamed Siidow Yaxye & Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee dhawaan loo soo Magacaabay degmadaas.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkooda uu salka ku haayo Arrimo la xiriira lacagaha Canshuurta ah oo lagu murmay in laga qaado degmada iyo in aan laga qaadin.

Si kastaba arintu ha ahaatee inta badan dagaalada ka dhaca degmada ayaa waxaa ay salka ku hayaan dhinaca isbaarooyinka iyo lacagaha laga aruuriyo ganacsatada iyo shacabka taasoo aysan jirin waxloogu qabto shacabka.