Axmed Madoobe oo dib ugu laabtey kismaanyo eedeyna usoo jeediyey xukuumada

0
58

Madaxweynaha maamul goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka digey in doorasho hal dhinac ah dalka ay ka dhacdo, waxana uu ku baaqay in shir la isugu yimaado oo la wadahadlo.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo oo uu dib ugu laabtay maanta ayuu sheegay inay nasiib darro tahay inaysan dowladda Federaalka waxba ka qaban caqabadihii soo baxay wixii ka dambeeyay markii la saxiixay heshiiska Doorashada 17-ka September oo muddo badan laga aamusnaa.

Waxa uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka digey in dad gaar ah la yiraahdo doorasho qabta, islamarkaana la diido in la wada-hadallo, kuwaas oo uu ula jeeday Maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koofur Galbeed.

Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in markii la isugu tegay magaalada Garowe ay shirar dhex mareen saddex madaxweyne maamul Goboleed, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ay wehliyaan Mushariixinta qaarkood, ayna isla garteen in xal loo helo saddex caqabad oo hortaagan Doorashada.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada gobolka Gedo waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay in la fuliyo heshiiskii September 17 ee Muqdisho balse la isku fahmi la’ yahay qaabkii loo fulin lahaa.