Ciidamo Qaraxyo Lagula Beegsaday Deegaanka Leego ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
56

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Maanta ka dhaceen duleedka degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyadaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso  ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo ku wajahnaa degaanka leego.

Dadka degaanka ayaa waxaa aty Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jugta qaraxyada iyo rasaas xoogan oo ka dambeeysay,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama Goobta aan loo dhawaan karin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas,waxaana baraha internet-ka ee taageera lagu daabacay inay qaraxyadaasi la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta iyo kuwa Mareykan ah,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxyadaas,Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay,isla markaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay socdaalkooda iska sii wateen.