Dhegeyso: Natiijo Hordhac ah oo Ka Imaaneysa Dhalinyaradii Lagu Laayey Deegaanka Gololey ee Gobolka Shabelaha Dhexe

0
88

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in natiijo hordhacah laga helay baaritaanka dhacdadii lagu laayaya howlwadeenada caafimaadka ee ka shaqeynayay xarun caafimaad (MCH) oo ku taalo deegaanka Gololeey.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanada, isla markaana dhawaan baaritaano horudhac ah ay soo bandhigi doonaan.