Dhegeyso: Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland oo Ka Hadley Dagaal Beeleedyo Ka Dhacay Halkaas

0
69

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay xal buuxa ka gaarto dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay deegaano ka tirsan Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland aysan marnaba aqbaleyn in dad ay dad kale ay ku duulaan oo ay dhiigooda baneystaan, iyaga oo isku heysta dhulka baaxada weyn ee ku yaalla deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.