Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Dhawaan Kasoo Yeeray Reysulwasaare Kheyr

0
91

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan doorashada, isagoo xusuusiyay golihiisa Wasiirada in sharciyada ay ku joogaan xilalkana ku hayaan ay tahay mid ku timid doorasho.

“Doorasho ayaa ka dhici jirtey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aan halkan ku joogno na siisay, afartii sano waa in mar doorasho la galo doorasho dadka intooda badan isla ogol yihiin oo saamileyda siyaasada badankood ay qeyb ka yihiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyay kulankii khamiista ee Golaha Wasiirada ku yeesheen dhanka Muuqaalka ee Zoom Meeting.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyey hadalkii khamiistii kasoo baxay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu ku sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

“Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysalwasaare Kheyre uu ku balan qaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale soo dhaweeyay tilaabadda uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha.