Bangiga Dhexe ee Somaliya oo Shacabka uga Digay Inay Maalgashtaan Shirkadaha Forex

0
102

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Digniin ku socota shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in shacabka ay maalgashtan Shirkadaha shaqeeya sarifka online-ka ah ee loo yaqaano Forex.

Qoraal kasoo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Bankiga dhexe uu rumeysan yahay in Ganacsiga sarifka online-ka uu Khasaaron badan u soo jeedio karo dad shacabka ah ee maalgashada.

Sidoo kale qoraalka Bankiga dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin Shirkad ruqsad ama ogolaansho ka heysata Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ka ganacsada sarifka online-ka ee Forex.