Reysulwasaare Kheyre oo Magalada Dhuusamareeb Kulan Kula Qaatay Hogaamiyaha Ahlusuna

0
43

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Kulanka Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Ahlu Sunna waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaliya Maxamed Cabdi Sabriye.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Ahlusuna ayaa sheegaya in ay dalbadeen fulinta balan-qaadyadii horay loo sameeyay iyo heshiisyadii lala galay, sidii Liiska Xildhibaanada 20-ka ah ee ay soo xulatay Ahlusuna loo dhaqan gelihaa.

Kheyre ayaa sii wadi doona kulamada uu la leeyahay qeybaha ku howlan dhismaha Baarlamaanka Galmudug gaar ahaan odayaasha dhaqan ee ah saxiixayaasha xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka.