Hay’ada sirdoonka somaliya oo sheegtey in qarixii Ex kontrool uu ku lug lahaa dal shisheeye

0
62

War kooban oo ka soo baxay hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii 28kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye uu qorshihiisu lahaa Dal shisheeye laakiin qoraalka laguma sheegin magaca dalkaaasi

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in Qaraxaas ay ku lug leedahay Dowladd Shisheeye balse ay sheegin dowladadaas.

Sidoo kale Hay’adda NISA waxaa ay ku sheegtay qoraalkeeda si loo dhameystiro baaritaanka ay wadaan ay la kaashan doonaan sirdoonka Hay’ado Caalami ah.

Mas’uuliyada Qaraxan oo u muuqaal ekaan habka loo soo qorsheeyay kii 14kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe wali mas’uuliyadiisa cidna ma sheegan.