Somaliya iyo sucuudiga oo heshiis cusub ka gaaray arimaha xajka 2020

0
74

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ka gaaray arrimaha xajka, oo xajkii tagay ay hareeyeen caqabado dhowr ah, sida uu sheegay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya uu tagay dalka Sucuudiga halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed.