Jaaliyada uk oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah u Sameysay C/rashiid Xaaji Xasanow

0
50

Jaaliyada koonfur galbeed ee dalka ingiriiska ayaa waxaa ay xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyeen magalada london C/rashiid Xaaji Xasanow oo ka mid ahaa madaxda ugu sareysa jaaliyada koonfur galbeed ee dalka ingiriiska oo in mudo ah howlo shaqo ugu maqnaa dalka somaliya.

Xafladan oo ay soo agaasimeen madaxda jaaliyada koonfur galbeed ee dalka ingiriiska ayaa waxaa ay waxbixino kaga dhegeysteen C/rashiid Xaaji Xasanow isagoo sheegey in loo baahan yahay in la adkeeyo midnimada shacabka koonfur galbed meel walba oo ay joogaan si umada loo gaarsiiyo horumar iyo barwaqo.

C/rashiid Xaaji Xasanow waxaa kaloo uu sheegey in loo baahan yahay in madaxda kasoo jeeda koonfur galbeed ee ku jirta dowlada federaalka iyo mida koonfur galbeedba loo bahan yahay in lagala xisaabtamo howlaha ay bulshada u hayaan si loo helo kalnoosi buuxda.

Dhanka kale qaar wax magarato ah ee ka tirsan jaaliyada oo ku sugnaa xafladasi soo dhaweynta ah ayaa intey sawiro kasoo qaateey kusoo daabacay facebookga ayagoo kaga faaiideysanayey taageerida ay u hayaan mid ka mid ah musharaxiinta u tartameysey xilka gudoomiyaha baarlamaanka aygoo sheegey in xafladaas loogu tala galey musharaxaasi, Taaso ah mid been abuur ah wax kama jiraana ah.