Xukumada oo Magacowdey Gudiyo Wada Shaqeyn la yeelan Doona Hey’adaha UNka

0
45

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhismaha dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

Kulan ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u dhaxeeyay qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah iskaashi iyo wadashaqeyn toos oo dhex marta labada dhinac.

Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidatan:

1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
5- Wasaaradda Amniga Gudaha
6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
11- Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye