Xarunta Golaha Shacabka oo Maanta Xaaladeedu tahay Alow Sahal

0
33

Xarunta golaha shacabka ayaa ah meel xaaladeeda maanta ay aad u cakiran tahay halkaas oo maanta lagu wadey in ay ka dhacaan laba barnaamij oo iska soo horjeed aydoo dhinaca xukuumada ay xooga saareyso sidii loo meel marin lahaa mooshinka ka dhanka ah jawaari.

Xildhibaanno kala duwan oo la hadley ayaa sheegay in inta badan xildhibaannada lagu celinayo meel dibada ka ah gudaha xarunta, arintaa oo ka danbeysay amar ka soo baxay sida ay xildhibaannada qaar sheegeen wasaaradda Amniga.

Gudaha xarunta ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin xildhibaanno aan ka badneyn 80 xildhibaan oo aroor hore saakay tagay halkaa.

Goobta waxaa ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari iyo alaalo xoog leh oo la socta, lama oga ilaa iyo hadda in Cabdiwali Muudeey ku sugan yahay xarunta iyo in kale.