Abaan duulaha Ciidanka Xooga Dalka oo Sheegey Iney Dileen Saraakiil Alshabab ah

0
71

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka General Cabdullaahi Cali Caanood oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa si faah faahsan uga hadlay dagaalkiii ka dhacay degaanka Buulo Mareer oo ka tirsan Goblka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay Abaanduullaha in Ururka 26-aad Guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ay guul weyn ka gaareen Howlgalkii ka dhacay Buulo Mareer.

Sidoo kale wuxuu sheegay Shabaab in xerada ay ku soo weerareen ilaa Saddex gaari oo midi uu soo gaaray ilinka hore ee xerada, iskuna qarxiyay, uuna dhaawacay Hal Askari, balse labada kale lagu qarxiyay meel aanan u dhaweyn xerada.

Dhanka kale Taliye Caanood ayaa sheegay in weerarkaasi Shabaab ay uga dileen ilaa 66 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil, wuxuu tilmaamay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen ragga hoggaamiya Raadiyeyaasha gacanta oo ay watan Amiirada Shabaab.

Dhanka Ciidanka Dowladda Federaalka ayuu sheegay in Saddex Askari ay ka dhaawacmeen oo haleelay qaraxa, kuwaasi oo hada xaaladooda caafimaad lala tacaalayo, diyaarna ay u yihiin in ay dalkooda u adeegaan.