Reysulwasaaraha Xukumada Federaalka oo xaley Fiidkii Gaarey Magalada Abuu-dabey

0
88

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xaley fiidkii gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadan doonta.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa goroonka diyaaradaha magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadli doono Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.