Gudoomiye Jawaari Maanta Baydhabo Ka Furey Kulanka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada

0
31

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaa ka furmay Shirka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Shirkaan, ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyeyaasha Golaha Sharci dajinta ee Maamul Goboledyada.

Ujeedada Shirkaan ayaa la sheegay inay tahay xoojinta xiriirka u dhaxeeya Gudoonka Golaha Shacabka Iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira Baarlamaanadooda.

Wuxuu socon doonaa Shirka muddo Saddex cisho ah, waxaana lagu gorfeyn doonaa, qaabka ay ku wada shaqeyn karaan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Iyo Gudoonka Golaha Shacabka.

Waa Shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.