Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya oo Sheegey In Balanqaadyo Ka Heley Shirkada Turkish Airlne

0
40

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in uu ballanqaad ka helay Shirkadda diyaaradaha Turkish Airline taasoo ka qeyb qaadan doonto tababaradda Shaqaalaha Wasaaradda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkaddu ay ka caawin doonto dhanka qalabka, maadaama Wasaarado ay qorsheynayso soo wareejinta qalabka Hawadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la kulmay madaxweynaha Horumarinta Bankiga Islaamka.

Waxaa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed.