Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Kulan La Qaatey Madaxweyne ku Xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug

0
37

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxweyne ku -xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay xal u helida khilaafka Galmudug, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu bilaabo waan waan uu ka dhex wado Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Kulanka ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay kulan guud oo la faliyo in uu dhaxmaro madaxda maamul goboleedka Galmudug ee Khaliifku u dhaxeeyo.

Khilaafka ka dhex bilowday maamulka Galmudug ayaa ka dhashay go’aankii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku taageeray isbaheysiga xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.