Alshabab oo Lagala Wareegey Deegaano Hoos taga Degmada Kuntuwarey ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
26

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya ciidamada dowladda la wareegeen deegaanno ay horay u maamulayaan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo u waramey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kala wareegeen Al-shabaab deegaanno hoostaga degmada Kuntuwaarey.

Saraakiisha ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka dagaal culus oo ay la galeen Al-shabaab kaddib la wareegeen deegaannadaas.

Waxaa uu sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, isagoona sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.