Madaxweynaha Dowlwda Federaalka oo Amar Kusoo Rogey Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga Dhexe

0
34

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Bankiga Dhexe iyo wasaarada maaliyada ku amray inaan wax lacag ah laga bixin karin ilaa amar dambe, iyadoo amarkan uu bilaabanayo maanta oo ay bishu tahay 12 Febraayo 2017.

Ujeedada amarka madaxweynaha Farmaajo ee lagu joojin in Bankiga Dhexe laga bixiyo wax lacag ah ayaa la sheegay in looga hortegayo musuqmaasuq ka dhaca kharashaadka dowladda xilliga kala guurka ah.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelan doonto lacagaha ku xarooda Bankiga Dhexe ee ilaha dowlada ka yimaada, waxaana la ogyahay in lacago badan aanay Bankiga ku jirin xilligan.

Si kastaba arintu ha ahaatee xiliyadan oo kale waxaa mar walba dhaca in qasnada la faarujiyo ayadoo kooxda tageysa ay horey usoo qaadato waxa ku jira bangiga waana arin shacabka somaliyeed ay aad usoo dhaweeyeen amarka kasoo baxay madaxweynaha cusub.