Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo Soo Dhaweeyey Qaabka Doorasha u Dhacdey

0
44

Golaha Ammaanka ee Qarama Midoobey ayaa soo dhaweeyay sida habsamida leh ee Arbacadii lasoo dhaafay loo soo afmeeray doorashadii madaxweynaha ee Soomaaliya.

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii shalay bayaan ay soo saareen ku taageeray madaxweynaha dalka Soomaaliya ee cusub.

Waxay sidoo kale boogaadiyeen horumarka dhanka siyaasada ah ee Soomaaliya ee soo socday laga soo bilaabo sanadkii 2012. Waxay ugu baaqeen soo magacaabida wasiirada si waqti cayiman leh isla markaana hufan.

Sidoo kale ayay ugu baaqeen madaxweynaha cusub inuu abaarta wax ka qabto asagoo ay sheegeen inay la gudboon tahay inuu qaado tillaabooyin wax ku ool ah oo abaarta wax looga qabanaayo.