Wafdi Uu Hogaaminaayo Xeer Ilaaliyaha Guud oo Maanta Tegi Doona Maxkamada “ICJ’

0
30

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xeer Ialaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi oo isagu ah wakiilka Soomaaliya ee dacwadda ayna wehliyaan Danjirayaal dhowr ah iyo Muna Sharmaan oo ah Qareen Soomaaliyeed oo dacwaddan billowgeedii ilaa iyo hadda gacanta ku haysa sumcadna uga kasbatay Soomaali badan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Maanta lagu Wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014. Kenya waxay iyaduna Maxkamadda u gudbisay diidmo ay dooneyso in ay Maxkamadda ka hor istaagto in ay qaaddo dacwadda.

Badda ay isku haystaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa bedkeedu yahay 142,000 km oo laba jibbaaran, Waxaana la rumeysan yahay aagga badweynta India ee ay Soomaaliya iyo Kenya ay lahaashaheeda ku muransan yihiin in uu ku jiro kheyraad badan oo dabiici ah oo uu ka mid yahay shidaal.