Beesha Caalamka oo Walaac Ka Muujiyey Kordhinta Xubnaha Aqalka Sare

0
57

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya

QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa sheegay in dhaarinta maanta ee xildhibaanada cusub ay tahay tallaabo hore loo qaaday. Hase yeeshee, waxa ay sheegeen inay doonayaan in hanaanka doorashada Soomaaliya uu ku socdo in Aqalka Sare uu 54 kursi, sida ku qeexan dastuurka dalka.

Beesha caalamka waxa ay ku baaqday in kuraas kasta oo dheeri ah oo lagu kordhinayo Aqalka Sare ay dhacdo kadib, marka la doorto madaxweynaha cusub, islamarkaana uu go’aankaas gaaro baarlamanka cusub isaga oo u maraya hab dastuuri ah.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay go’aankii Madasha kasoo baxay 26-kii bishan ee lagu sheegay in lagu laabanayo doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose, hase yeeshee waxay sheegeen in Madasha ay ku guul darreysatay inay wax ka qabato tiro kale oo kuraas ah oo ka dhashay xadgudub lagu sameeyey hanaanka doorashada, ayna ku jiraan kuraas loogu talo-galay haweenka balse ay kusoo baxeen rag.

Beesha caalamka waxa ay sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen doorashadooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.

Ceesha caalamku waxay sheegeen inay si xoogan u rumeysan yihiin inay lagama maarmaan tahay in mar kale lagu celiyo doorashada kuraasta ay natiijada codayntooda si cad loo weeciyay iyadoo la adeegsanayo gacan ka-hadal, musuqmaasuq, cagajuglayn, gudbin ergo doorasho oo aan sharci ahayn iyo in lagu fashilmay in saddexdii kursiba mid si gaar ah loogu asteeyo musharaxiinta haweenka ah oo keliya.