Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka Dhacay Duleedka Magalada Muqdisho

0
55

Warar naga soo gaaraya magalada muqdisho ayaa sheegaya in ismiidaamin ahaa uu maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho, kaasoo lagu bartilmaameedsaday bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka.

Saraakiisha ciidammada nabad-sugida ayaa sheegay in gaariga uu qarxay xili baaritaan lagu hayay, waxaana goobta ku dhintay sidda ay saraakiisha sheegeen askari ka tirsanaa ciidammadii joogay barta-kootarool iyo qofkii wadday gaariga qarxay.

Hasse ahaatee war ka soo baxay dhinac Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana ku dileen ilaa 9 askari oo ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya.

Taliska hay’addaha nabad-sugida ayaa war ay galabta soo saareen ku sheegay in gaariga is qarxinta geystay lagu soo xiray Taarikada Soomaaliland, taasoo ay ku tilmaameen mid la doonayo in leysaga horkeeno bulshada labada dhinac.